Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Xero ay degnaayen ciidamada Puntland & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarka

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaaden Xerro ay degnaayen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Weerarka oo ku bilowday Hubka culus ayaa ka dhacay Af-urur ee Gobolka Bari, waxaana la weeraray Xerada ay ciidamada Daraawiishta Maamulka ku leeyihiin Af-urur.

Maleeshiyaadka weeraray xerada ayaa watay Gaadiid dagaal waxaana lasoo sheegayaa in halkaa ay ciidamada maamulka kula dagaalamayeen ku dhawaad Saacad xiriir ah, wallow Saraakiisha maamulka ay sheegen inay iska caawiyeen.

Inta uu dagaalka socday labada dhinac ay isku adeegsanaayay Hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka lagu kala furtay Gaadiid iyo Hub oo ay lahaayen labada dhinac.

Saraakiisha maamulka ayaa sheegtay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay ka dileen dhowr maleeshiyo, halka sidoo kale ay ka furteen gaadiid ay kusoo duulaan tageen.

Waxa ay intaa ku dareen Saraakiisha in maleeshiyada weerarka kusoo qaaday Xerada aysan awoon halka ay xerada ku tiilay balse ay ahaayen kuwo weerarkooda uu ahaa mid difaac ah, maadaama ay kusoo dhex dhumeen ciidamada, isla markaana kasoo habaabeen wadadii ay u socdeen.

Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay Puntland uga dileen Saraakiil iyo Askar, isla markaana ay ku furteen Hub kala duwan, sida ay warbaahinta u sheegen.

Saraakiisha ay weerarka ku dileen ayay sheegen inay gaarayaan ilaa laba Sarkaal, halka tirade kale ay ahaayen Askar ka tirsan Daraawiishta Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyaad baxsad ka ah duqeymaha ay gudaha u galeen deegaanada Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

Caasimada@live.com

The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Xero ay degnaayen ciidamada Puntland & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this