Sign in to follow this  
Deeq A.

Sh.Nuur Baaruud: “Xildhibaannada Mooshinka wada cunaha halla qabto, laaluushna yaan la siin”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Nuur Baaruud Gurax oo ah guddoomiye ku xigeenla Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo xalay ka hadlayay madal uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku soo bandhigayay waxqabadka Xukuumaddiisa ka sheegay in loo baahanyahay in laga hortago Xildhibaannada Mooshinka wada.

Sheekh Baaruud ayaa sheegay Xildhibaannada Mooshinka wada ay yihiin cadow la mid ah Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay islamarkaana loo baahanyahay in laga hortago.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre waxaa leeyahay Mooshinka yaan lacag lagu bixinin,ilaa ay ka bakhtiyaan” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynaha ugu baaqay in aysan lacag siin Xildhibaannada.

Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud in marka mooshinka iyo isdiidka siyaasadeed jiro uu amniga dalku qal qal galo,isaga oo taas ka duulayana waxaa uu ku baaqay in Xildhibaannadaas la iska dhiciyo.

Mar hore ayuu sidan oo kale Sheekh Nuur soo jeediyay in Xildhibaannada mooshinka ka waday Xukuumadda Kheyre loogu galo guryahooda islamarkaana la iska dhiciyo.

Arrintaas waxaa ka carooday XIldhibaannada qaar,waxaana Golaha shacabka la hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaas ah waxaana uu Xildhibaannada ka hor sheegay in hadalka Sheekh Baaruud uu iyaga gef ku yahay loona baahanyahay in haddii Xildhiabaannada wax gaaraan isaga wax laga weydiiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Sh.Nuur Baaruud: “Xildhibaannada Mooshinka wada cunaha halla qabto, laaluushna yaan la siin” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this