Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiirka Al-Shabaab iyo saraakiil kale oo la arkay iyo diyaarada dul heehaabaya gobolka lagu arkay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Gobalka Gedo gaar ahaan duleedka Garbahaarey ee xarunta Gobalka ayaa soo sheegaya maanta diyaaro dagaal lagu arkay Goobihii ay gaareyn Ciidamada Al-Shabaab iyo hogaamiyahooda Axmed Diiriye.

Diyaaradahaan dagaalka ee maanta lagu arkay duleedka Garbahaarey ayaa la ogeyn dalka laga leeyahay waxaana saraakiisha Dowladda ee aan la xariirnay ay sheegeyn in ay faah faahin ka bixin doonaan markii ay helaan xog dhameestiran.

Al-shabaab ayaa ku jira xaalad cabsi ah waxa ayna ka cararayaan duqeymaha dhinaca cirka ah oo ay ku waayeen Ciidan badan iyo saraakiil muhiim u ahaa kuwaas oo ku sugnaa Koonfurta Soomaaliya.

Weli lama shaacin duqeymo ay diyaaradahaas fuliyeen basle dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in ay casbi soo wajahday maadaama Diyaaraduhu laga yaabo in ay duqeyn geystaan.

Xaalada tuulooyin hoostaga degmada Garbahaareey ayaa Maanta ah mid kacsan,iyada oo dhaq dhaqaqyo ciidan laga dareemayo halkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this