Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM  ” Hoggaamiyeyaasha cusub ee Soomaaliya waa rajada ugu wanaagsan ee lagu soo afjari karo dhibaatada dalka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta lagu guda jiray howlgallada AFIRCOM ee Soomaaliya, oo taageera Ciidamada Wadajirka ah ee Geeska Afrika, Kordhinta weerarrada Maraykanka ee ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab ayaa qayb ka ah dadaalka lagu doonayo in loogu diyaar garoobo  waqtigii dalka lagu wareejin lahaa ciidammada Somaliya.

Xukuumadda cusub ee Soomaaliya waxay dalka ugu deeqday fursaddeedii ugu fiicneyd “nabadda joogtada ah ee jiilka,” sidoo kale ciidamada Mareykanka waxay sii wadi doonaan in ay dhisaan ciidamada maxalliga ah si ay ula dagaallamaan xagjiriinta islaamiyiinta ah” Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sidaas sheegay Arbacadii.

“Siyaasadeena waa inaan taageerno dadaallada ay hoggaaminayaan Soomaalida ee ku dhiirri-galinaya xubnaha Al-Shabaab iyo dowladda Islaamka inay joojiyaan carqaladeynta  xukuumadda Soomaaliya iyo inay taageeraan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AFRICOM.

“Marka aysan tani suurtagal ahayn, siyaasadeena milatari ee beegsaneysa kooxahani waxay la socdaan sharciyada khilaafaadka hubeysan iyo in ay taageeraan hadafyadeenna ballaaran ee lagu doonayo xasilloonida.” ayaa lasii raaciyey.

AFRICOM ayaa bishii soo dhammaatay Soomaaliya ka fulisay ilaa 9 Duqeyn oo luu geystay bartilmaameedyo Al-Shabaab leeyihiin, waxayna guud ahaan Sanadkaan fuliyeen ilaa 30 Duqeyn oo dhanka Cirka ah sida ay war saxaafadeedkeedak u sheegtay.

Ujeedada Maraykanku waa inay dejiso “jawi ammaan ah oo loogu talagalay dadaallada dibloomaasiyadeed ee ballaaran ee la xidhiidha dib-u-heshiisiinta qaran iyo dhismaha dawlad karti leh, wakiil buuxdana ka ah Soomaaliya” ayuu War Saxaafadeedka ku sheegay taliyaha AFRICOM Gen. Thomas Waldhauser .

AFRICOM ayaa sheegtay in waxyaabaha Mareykanka ku riixayo dadaaladaan ay qeyb ka tahay dareen ku aadan in dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay gacan ka geysan karto mideynta dalka Soomaaliya oo xaalad dagaal ku jiray muddo 30 sano ah.

Farmaajo oo dalka Soomaaliya Madaxweyne ka noqday Bishii February ayaa ah shaqsi heysato Dhalshada dalka Mareykanka, wuxuuna ka shaqeyn jiray Magaalada New York gaar ahaan qeybta  Gaadiidka ka hor inta uusan noqon Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna xafiiskiisa ka bilaabay la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Ololaha Maraykanku wuxuu sidoo kale qayb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu doonayo in millatariga Soomaaliya uu helo awood sida lagu sheegay war Saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this