Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Muqdisho soo gaaray rajo wanaagsana ka muujiyay shirka Amniga Qaranka ee ka dhacaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo, December, 2, 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka koobna labada gole iyo Masuuliyiin kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

 Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimada.

 Madaxweynahu wuxuu sheegay in amaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah.

 Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabadgalyada wadanka.

Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay kasoo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo  in Soomaaliya ay amaankeeda hanato isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka.

JLP273737.jpg JLP3737378.jpg JLP37364647.jpg JLP37373774.jpg JLP3737373839.jpg JLP3737377737.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this