Sign in to follow this  
Deeq A.

Imisa Qarax ayaa Bishii November ee 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho? (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo kala duwan ayaa bishii November ee 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kuwaa oo galaaftay nolosha muwaadiniin aan waxba galabsan.

Qaraxyada Bishii November ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan ka yar Qaraxyadii dhacay bishii October ee kasii horeysay, waxaana xusid mudan in Qaraxyada dhacay November ay yihiin 8 Qarax oo intooda badan lagu xiray gaadiid raaxo.

Bishii November Qaraxyada ugu badan ayaa ka dhacay Degmada Hodan, oo kaalmaha koowaad kaga jirta Degmooyinka ugu amniga xun.

Haddaba Qaraxyada bishii November ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kala ahaa:

1-November 2, 2017, Qarax lagu xiray gaari raaxo ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgooys Banaadir iyo Isbitaal Digfeer ee Degmada Hodan, waxaana xiligaa gaariga ka maqnaa ruuxii loogu tallo galay Qaraxa.

 

2-November 08 2017, Qarax gaari lagu xiray ayaa waxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Imigration-ka oo ku taala wadada Shaqaalaha Degmada Hodan, waxaana gaarigaasi lahaa Dr Xirsi Dhiblaawe oo ahaa Dhaqtar dhanka Cudurada Wadnaha, kana howlgali jiray Xarun Cafimaad oo ku taalla agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim Salaad.

 

3-November,9, 2017, Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa wadada Warshadaha lagula eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidan katirsan Milatariga Somalia oo kusii jeeday Wasaarada Gaashandhiga waxaana ku dhaawacmay Seddex ruux oo shacab ah.

 

4-November,9, 2017, Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari raaxo ayaa duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Waydoow lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM.

 

5-November 22, 2017, Ciidamo ka tirsan Xasilinta ayaa Qarax miino lagula eegtay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Isgoyska Tarabuunka, waxaana ku dhintay Hal Askari, halka midka kale uu dhaawac soo gaaray.

 

6-November 24, 2017, Qarax lagu xiray gaari nooca Raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Hoteel Amiira Degmada Hodan ee Gobolka Banadir.

 

7-November 24, 2017, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Bam gacmeed ku tuuray afafka hore ee Amiira Degmada Hodan.

 

8- November 30, 2017, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Boondheere, gaar ahaan meel ku dhow Isbitaalka Somali Jarmal, waxaana Qaraxa gaariga loogu xiray Laba Wariye oo ka howlgalaayay Xarunta TV-ga Qaranka ee Muqdisho, kuwaa oo lagu kala magacaabo Cabdullaahi Maxamed Weli iyo Daahir Cabdiweli, waxaana Qarxay keliya gaariga.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa bilihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho kusii kordhaayay Qaraxyada lagu xiro gaadiidka Raaxada, xili Somalia aysan laheyn Taliyayaasha Hay’adaha amaanka NISA iyo Booliska.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this