Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan Magaaladda Baydhabo Ku Dhex-maray Shariif Xasan iyo Muqtaar Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ku waramaya in Madaxtooydda Maamulkaas uu kulan ku dhexmaray Madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ku-xigeenkii hogaamiyihii Al-shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow oo dhawaan dowladda isku soo dhiibay.

Kulakaan oo qaatay saacado dhowr ah ayaa looga hadlayay sidii weeraro xoogan loogu qaadi lahaa Saldhigyada ay dagaalyahanadda Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanada maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.

Sidoo kale Mukhtaar Roobow ayaa madaxweyne shariif xasan la wadaagay macluumaad laga helay Sirdoon uu ku dhex leeyahay Al-shabaab, kaas oo sheegaya in al-shabaab ay qorsheynayaan dulaan ka dhan ah magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa loo bandhigay qorshe ah In Ciidanka la dagaalamaya Al-shabaab Lagu daro Kuwa asiga Daacada u ah, sidoo kalane In ciidamada Ethiopia la geeyo deegaanada ay weerarada kasoo qaadaan al-Shabaab maadaama ay wataan gaadiidka gaashaaman iyo Hubka culus.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa aad usoo dhaweeyay qorshaha Mukhtaar Rooboow ee uusoo jeediyay, waxa uuna arrintaasi fulinteeda ku amray Wasiirka Amniga maamulka iyo Saraakiisha ku magacaaban amniga.

PUNTLAND POST

The post Kulan Magaaladda Baydhabo Ku Dhex-maray Shariif Xasan iyo Muqtaar Roobow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this