Sign in to follow this  
Deeq A.

Goorma ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Eyl iyo Dangorayo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Shirkadka CCECC ee laga leeyahay dalka China ayaa soo bandhigtay qaabka ay u dhisi lahayd iyo waqtiga uu bilaabanayo dhismaha wadada laamiga ah ee isku xiridoonta degmooyinka Eyl iyo Dangoryao.

Shirkada CCECC Waxa ay degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal ka samaysteen xaruntii ay ku shaqayn lahaayeen shirkadaas, iyaga oo uga gudbay degamda Eyl oo ay Ku socdeen.

kulan arintaas lagu Go’aanshay  waxaa ka Qayb Galay Senotor Faroole Madaxweeynihii Hore ee Puntland, Islaan Ciis iyo Suldaan Saciid Mahamad garaase Waxaa kaloo kusugnaa Goobta Ing Wadada dhisaya iyo Madaxda Shirkada

Shirkada CCECC waxay shaacisay in Markabkii Qalabka u siday uu haatan dekeda Muqdisho taagan Yahay islamarkaana oo asbucan Dekeda Boosaso soo istaagi Doono.

Cuqaasha Degaanka iyo Qaybaha bulshada ayaa Cadeeyay inay Garab istaagayaan howlaha wadada eyl ee bilaamaya

Saddexda bishaan ayaa la isku raacay inay si rasmi ah dhismaha wadadu u bilaabandoonto, Waxayna wadadu ay ka leexandoontaa Dagmada Dangarayo sida lagu helay Sahankii La Sameeyay.

24131339_1983500008332730_57692173462014 24131261_1983499504999447_65957678664841

24068228_1983499881666076_21787865191367

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this