Sign in to follow this  
Deeq A.

Sh/hoose: Ciidanka Dowladda Oo Howlgal Ku Qabtay Hub Iyo Walxaha Qarxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Baladul Amiin ee Shabellaha Hoose, waxay ku qabteen  Hub iyo sidoo kale kartoono ay ku jireen walxaha qarxa.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Danab ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in ciidamadan ay guri guri u baareen deegaankaasi, islamarkaana mid kamid ah guryaha la baaray laga helay Rasaas, qoryo iyo sidoo kale walxo qarxa.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxay deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabellaha Hoose kala wareegeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Halkaan hoose ka daawo sawirada:

Goobjoog News

060504030201

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this