Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo beeniyay weerarkii Barriire in dad rayidka ah lagu dilay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Puntladi) Dowladda Maraykanka ayaa beenisay in wax shacab ah ku dhinteen weerarkii ay 25-ka bishii August laga fuliyay degaanka Barire ee gobolka Shabellada hoose, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 10 qof oo hubaysanaa.

Taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay baaritaan uu sameeyay inuu ku xaqiijiyay in dadka la bartilmaameesaday ay ahaayeen maleyshiyada Shabaab, wuxuuna meesha ka saaray cabashada ehelada dadka lagu dilay weerarka, kuwaas oo sheegtay magdhow iyo raali galin.

“Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow hubeysnaa.”ayaa lagu yiri warbixinta.

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this