Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo beeniyay in dadkii lagu laayey weerarkii Bariire ay ahaayeen rayid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed uu soo saaray Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee AFRICOM,fadhigooduna yahay Dalka Jabuuti ayey ku beeniyeen in dhacdadii 25kii August ka dhacday degaanka Bariirre ee lagu dilay 10ka Qof aysan ku jirin dad shacab ah.

Taliska ayaa warbixintiisa ku sheegay baaritaan dheer oo uu sameeyay kaddib in uu ogaaday in dadkii lagu dilay Bariirre ay ahaayeen Al-shabaab ee aysan ahayn dad shacab ah.

Ka hor weerarkaas ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in “Ciidamada iskaashanayay ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay qorsheeyeen weerarkaas waliba si faahfaahsan,waxaana fulinnay weerar isku dheelli tiran oo ay dowladda Soomaaliya hoggaamineysay”,ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka.

“Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada  Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow  hubeysnaa.”ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in kahor inta aysan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka kana howlgala Afrika si wadajir ah u fulin saaxibadood ay sameeyaan qorshe ballaaran oo loogaga feejignaanayo in dad rayid ah ay howlgaladaa wax ku noqdaan.

Jen Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid oo ahaa Taliyihii hore ee Milatariga Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan is casilin weerarkaas ku sheegay in dad shacab ah lagu laayay,sidoo kale  guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur Maxamed ayaa isna Ciidamada Mareykanka ku eedeeyay in Bariirre ay ku laayeen dad shacab ah.

Meydadka Dadkii lagu dilay Bariirre ayaa la aasay 10 maalmood kaddib geeridooda kaddib markii ehellada Meydadkaas ay aqbaleen Baaritaan in lagu sameynayo weerarkaas oo Dowladda Soomaaliya iyo Mareykankuba sheegeen in Al-shabaab lagu laayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this