Sign in to follow this  
Deeq A.

Maqaal:- Hardanka garbaha Soomaaliya..Is-marin waaga Dowlad-Dhexe iyo Federaalaynta!

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya maanta waxaa ka jira loollan adag oo u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe kaas oo soo maray heerar iyo  qaabab  kala duwan  , dowladda dhexe waxay walwal kaqabtaa awoodda iyo saamaynta isa soo taraya ee  dowlad goboleedyadu la soo baxeen, waxayna u aragtaa inay duulaan ku yihiin   kuraastooda, taas oo halis galin karta  dadaalada iyo ruclaynta (dowladda dhexe) ay  ugu jirto  la kali-noqoshada iyo maroorsashada awoodda guud ee dalka.

Aniga taasi iima muuqato, waxaan u arkaa in sirta ku duugan hormarka dowladda dhexe ay ku jirto  in xiriir dhow ay lasamayso dowlad goboleedyada ayadoo adeegsanaysa siyaasad furfuran oo sabab u noqan karta  isu soo dhawaansho labada dhinac ,   wixii isfahanwaa ahna xal laga gaaro , tani waa istiraatiijiyad ku qotonta  u hiilinta  danaha wadanka iyo  hirgalinta nidaamka lagu heshiiyay ee federaalnimo,  taasi waxay dhabbada u xaaraysa in wadanka laga samato bixiyo  duruufaha   adag ee in mudda ahba  la’ildarnaa.

Dowladdaan, Hab-dhaqankii  aanu ka aragnay sagaalkii bilood ee ay  jirtay waxay noqotay mid  ka duwan wixii laga filayay oo ahaa hirgalinta nidaamka federaalinimada  , dowladda dhexe waxay door biday  colaadinta  nidaamka federaalnimo  ee lagu heshiiyay,  nidaamkaan waa mid kulmiyay dhammaan qaybihii ku kala duwanaa siyaasadda  kadib markii lagu bixiyay dadaal dheer dhibaatooyin badana lagala soo  kulmay.

Buug  uu qoray raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya haddana ah madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland,  Prof: c/wali Maxamed Cali Gaas ,  cinwaankiisu yahay caqabadaha ku horgudban in laga gudbo marxaladda kumeelgaarnimada , wuxuu ku sheegay buuggiisa in nidaamka federaaliga uu yahay mid dhayaya boog in badan hoos uqodan  iyo in dib loo hanto wixii lawaayay ee ah tiirarka iyo nuxurka  wadaninimo , waddada kaliya ee lagu hanan karana ay tahay in layagleelo xukuumad dhexe oo kulminaysa  qaybaha kala duwan ee bulshada,  taasoo dammaanad qaadaysa qaybinta awoodaha iyo khayraadka si siman oo ay cadaaladi ku dheehan tahay.

Federaalnimadu ma tahay nidaam laga hirgalin karo Soomaaliya?

Inta aanan u guda galin faa’iidooyinka iyo khasaaraha nidaamka federaalka uu leeyahay  , qaababka iyo noocyada kala duwan ay noqoto , bal  marka hore waa inaan is lafahanaa in  dowladdii  Soomaaliya ka jirtay  ay eersatay xukunkii ku dhisnaa  kali-talisnimada  ee gacanta bireed  wadanka ku maamulayay hogaankana uu hayay  Maxamed Siyaad Barre(AHN) , taasi waxay dhalisay in lagala  horyimaado kacdoon iyo  diidmo qayaxan kadib markii loo adkeesan waayay nidaamkii qalafsanaa ee u diiday inay dadku cabiraan  dareenkooda danahoodana ka hadlaan,  xuquuqdooda asaasigana duudsiiyay  , si ula kacna u gacan-bidixeeyay gobalada ka fog xarunta dhexe , falcelintii laga sameeyay cadaadikaas waxay  keentay  dhibta illaa iyo maanta nahaysata.

Haddaad si hoose u dhuuxdid xusuus qorkii uu qoray madaxweenihi hore ee soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed (AHN)  cinwaankiisuna  ahaa (Halgan iyo Hagardaamo ) waxaa kuu soo baxaya in xalka Soomaaliya marnaba uusan dhameestirmaynin illaa labalaadhiyo wadatashiga , hanaanka siyaasadana laga qaybgaliyo dhamaan awoodaha iyo qaybaha siyaasadda ee kala duwan , waxaa la yaqiinsaday caqliyada ku dhisan isfogaynta iyo isfaquuqidda aan laga dhaxlin wax aan ka ahayn kala fogaansho iyo isnacayb , awood-aruusan oo aan baahsanayn maahan mid ku habboon mujtamac qaab-dhismeedkiisu  somaaliyoo kale yahay  oo  u kala qaybsan  qabaa’ilo  gobalo kala duwan degaan.

Nidaamka dimiquraadiga ee soomaaliya u baahan tahay waa mid tixgalin siinaya qaab-dhismeedka qabiilka ee wadanka si loo ilaaliyo isu-dheelitirnaanka qabaa’isha si looga badbaado isku-dhac , waa in la iswaafajiyaa nidaamka dimuqaraadiyadda iyo federaalnimada ee hab-qabiileedka  ud hisan si loo helo nidaam ku haboon nidaam beeleedka wadanka uu sameesanyahay.

Shirkii jabuuti lagu qabtay bishii lixaad ee 1992 dii oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid ahaayeen  siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xubno matalayay aduunwaynaha , waxay is laqaateen qodobo lagu tilmaamay kuwa taariikhda baal dahaba ka  galay oo ahaa xoojinta iyo taabagalinta nidaamka  federaaliga ah , si geesinimo leh ayaa  lasoo jeediyay fikrad ku dhisan in  dowlad goboleedyada  ayagu ismaamulaan  si ay u hormariyaan  goboladooda  , wuxuu ahaa heshiis matalayay rabitaanka dhabta ah ee awoodaha kala duwan ee wadanka kajiray , maqcuul matahay in xukumaada federaalka inaysan kawarqabin heshiiskaas kaasoo  aan hayno  nuqul kamida,  aanu ognahayna  in ay kasoo wareegtay muddo kabadan 20 sano , waa wax aan laqaadan Karin in daaqada laga tuuro dadaalki loo galay in umadda heshiis ladhex-dhigo layskuna keeno.

Khilaafka khaliijka

Dhibaatada kataagan khaliijka waxay saamayn ku yeelatay Soomaaliya , afar dowladood oo carab ah  ayaa waxay go’aan ku gaareen inay  ku soo rogaan dowladda Qadar cunaqabtayn  dhinaca dhulka baddda iyo cirka.

Markii laga fiiriyo dhinaca akhlaaqda waxaa munaasib ahayd in dhexdhexaad laga noqdo khilaafka walaalaha carbeed dhexdooda ka aloosmay , iyo in  ladhiiri  galiyo in khilaafka lagu soo afmeero wadahadal , lakin su’aasha isweediinta mudani waxay tahay: maxay soomaaliya u dooratay mowqifkaan dhexdhexaadanimada ah oo ay dad badani u arkaan inay  uxaglinayso  dhinaca Qadar ?! go’aankaan  masiiriga ahi, maxaa wadatashi looga galinwaayay maamul goboleedyada ?

Waxaa laga yaabaa  dadka qaarkii inay  isweediiyaan  maxaa kagalay dowlad goboleedyada wixii kusaabsan xiriirka dibadda  ayagoo  milicsanaya  dastuurka wadanka qodobkiisa 54-Aad oo  ay ku caddahay in wixii laxiriira umuuraha  dibadda,lacagta , difaaca wadanka, iyo baasaboorka  ka talinteedu ay ku kooban tahay dowladda dhexe  aysana boos uga banaaneen dowlad goboleedyada , taasi waa sax, shakina lama galin karo; lakin waxaa jira qodobka 53-Aad oo xaq usiinaya in maamul goboleedyada go’aannada masiiriga ahi laga qaybgaliyo go’aan kagaaristeeda.

Go’aanka ay lakali noqotay dowladda Federalka ah waxaa shaki sii galiyay oo sii murjiyay xaaladaan  waxay ahayd in go’aankaasi aan lamarin  labada aqal kan hoose iyo kan sareba.

Maaraynta khilaafaadka udhexeeya dowladaha carabta iyo go’aan kaqaadashadooda maahan mid ugub ku ah Soomaaliya , heshiiskii muranka badan dhaliyay ee Camp David, Soomaaliya waxay lasafatay wadanka Masar kadib markii Masar ay go’doomiyeen dowladaha carbeed intooda badan, waxaa kaloo jiray  khilaafkii Kuwait iyo Ciraaq in Soomaaliya ay la safatay  Kuwait taas oo marnaba aanan  laga filanayn , illaa hadda Kuwait abaal ayay u haysaa Soomaaliya , mar aan booqday Kuwait dhamaadkii 2015kii  waxaan soo ogaaday in ardayga soomaaliga ahi uu ku dhigto dugsiga hoose iyo kan saraba lacag la’aan ayagoo abaal uga dhigaya mowqifkii halyeeynimada ahaa ay kula safteen wadankooda.

Kadib markii ,  xukuumada Soomaaliya  ay qaadatay go’aankii dhexdhexaadnimada , dowladda Qadar waxay ku dhaqaaqday talaabooyin ay uga golleheed inay uga baxdo go’doominta ,waxay ku tilaabsatay in dowlado badan ay kacafisay dalkugal  (visa),  waxaa  nasiib daro ahayd in Soomaaliya aysan ka mid ahayn dowladahaasi, Qadar waxay balaadhisay xidhiidka dhaqaale ay lalahayd dowlado qaatay mowqifka soomaaliya oo kale oo waxaa ka mid ahaa Sudan, Ethobia, Oman  , waxaan si deganaansho iyo isqadarini  ku dheehan tahay u waydiinayaa xukuumadeena anagu booskee kataaganhay mashariicdaas Qadar ay kutaagayreeso kuna abaal marinayso dowladahaasi aanu isku mowqifka ka ahayn khilaafka gacanka carbeed  ?

Talooyin looga bixi-karo ismaan-dhaafka siyaasadeed

Somaaliya maanta waxa ay dul hoganaysaa dhardhaar karkaraya taasoo ugu wacantahay samayn dibadeed oo fara kulul ku haya , jiwigaana waxaa hareeyay khilaafaad siyaasdeed ee gudaha ah  , si looga baxao waxaan soo jeedinayaa talooyinkaan hoos ku taxan:-

1) Khilaaf kasta  oo u dhexeeya umadi  waxaa asal u ah isfahanwaa,  Isfahan-waagaasi  waxuu kasoo unkumaa go’aamo iyo qodobo aan si fiican loo karkarin loogana fakirin  ,taasina waxay kasoo ifbaxdaa  aragtida iyo mowqifka uu qofku  qaadanayo , taasi waa meesha ay ka soo burqanayso iskudhaca soo laalaabta ee udhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada , sii looga gashaanto arintaa waa in xukuumadda ay dhamaystirtaa dastuurka qabyada ah ee isfahanwaaga marwalba dhaliya.

2) in dowladda dhexe ay xilwayn  iska saarto  sidii ay uqancin lahayd dowladaha qaybta ka ah federaalka iyo in si dhab ah loo hirgaliyo shuruucda inoo  dajisan ee nafaraysa taabgalinta iyo baahinta nidaamka federaalnimo.

3) In laga fogaado caqliyadda kudhisan faquuqidda qaabaailada misaanka culus leh si uusan khalkhal ugu imaan dheelitirka siyaasadda , Dr towfiiq asagoo kahadlaya waxyaalaha  keenay in mashruuca xarakada islaamiga ee soomaaliya  uu la hanaqaadi waayay waxa uu kusheegay  inaysan kafaa’iideesan qaabaa’isha waawayn ee saamaynta leh.

4) In dowladda ay u furfurnaato dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada , dad badan waxay uga gows-qabsanayaan dowladda dhexe  waxay tahay  inay fuquuqid iyo is fogayn kucaan baxday ayagoo iskugu soo aruuray kooxyar  oo kaduulaya   aydaloojiyada ama fikir qura oo mideeya.

PUNTLAND POST

The post Maqaal:- Hardanka garbaha Soomaaliya..Is-marin waaga Dowlad-Dhexe iyo Federaalaynta! appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this