Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS: 2,500 askari oo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa maanta lagu wareejiyay dowladda federalka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah dowladda federalka Soomaaliya ugu wareejisay masuuliyadda 2,500 askari oo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu yahay xerada General Maxamed Dirir (Ex- 54-aad), ee magaalada Garowe.

Munaasabad haatan ka socota xarunta xeradaas ayaa hadalkaan wareejinta ciidanka waxaa ku dhaawaqay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng. Camey.

Waxaa goobta wasiir udowlaha gaashaandhiga dowladda federalka, taliyaha ciidamada difaaca Puntland, wasiirka amniga Puntland, saraakiil ka socota ciidanka milatariga Soomaaliya iyo guddiga difaaca ee barlamaanka.

Ciidankaan ayaa si r asmi ah uga mid noqon Doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Qaybtiisa 54aad, waxaana tilaabadaan ay qeyb ka tahay Qorshaha Iskudhafka Ciidamada Soomaaliya.

Guddiga difaaca barlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay tilaabadaan waxayna ku tilmaameen Talaabo Wanaagsan oo lagu soo celinaayo Kalsoonida Shacabka.

24232880_1504126002968370_36099885495956 24294325_1504125949635042_10362788569331 24312584_1504125952968375_75005210534220

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this