Sign in to follow this  
Deeq A.

Macron Oo Sacuudiga U Gudbin-doona Magacyo Ururo Argigixiso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu diyaarinayo liis ay ku qoranyihiin magacyada ururada xag-jirka ah ka dibna uu u gudbin doono boqortooyada Sacuudi Carabiya si loo joojiyo maal-gelintooda.

Macron oo ka hadlayey kulanka Afrika iyo Yurub oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire ayaa sheegay inuu ku dadaali doono sidii loo heli lahaa balanqaadyadii ay qaadeen dowladaha Iran,Qatar iyo Turkiga oo ahaa in meesha laga saaro maal-galinta argigixisada.

Macron ayaa lagu wadaa inuu si degdeg ah uu ku booqdo magaalada Dooxa ee dalka Qatar todobada bisha December halkaasi oo uu u tagi doono arrimo la xariiri xiriirka labada dal, galidda heshiisyo milatari iyo kuwo ganacsi.

Faransiiska waxaa uu aamisan yahay in ay jiraan kooxo Sacuudiga taageero oo fadhigooda yahay magaalada Maka oo si toos ah ama si dadban u taageero kooxaha argigixisada.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this