Sign in to follow this  
Deeq A.

Ajendaha Madasha Iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Abidjan ka socda shirka 5aad ee Madasha Iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, shirkan oo labo maalmood ah waxaa ka qeybgalaya madaxda 55 dal oo Afrikaan ah iyo 28 dal oo Yurub ah.

Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub waxaa looga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Inta uu shirkani socdo, Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto dalalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this