Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo Jidka u Galay Kolonyo Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka kenya dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa jidka u galay kolonyo ka Tirsan Ciidamada Kenya oo marayay wadada xiriirisa deegaannada Wittu iyo Gamba oo kawada tirsan gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu.

Weerarka ayaa ku bilowday miino dhulka ku aasneed oo la kacday mid kamid ah Gawaaridda Ciidamada Kenya waxaana xigay dagaal toos ahaa oo dhexmaray ciidamada Booliska Kenya iyo ragii ka tirsanaa Al-shaabab.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu gubay sedax gaari oo ay wateen ciidamada Booliska Kenya islamarkaana uu jiro khasaara dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada.

“Al-shabaab ayaa weerar lagu gubay sedax gaari oo ay la socdeen ciidamada Booliska Kenya ka fuliyay inta udhaxaysa deegaannada Wittu iyo Gamba ee gobolka Lamu” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wali wax war ah kama soo bixin Dowladda Kenya oo loogu hadlaayo weerarka ka dhacay lamu ay shabaab geysteen.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo Jidka u Galay Kolonyo Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this