Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg:Kuuriyada Waqooyi oo ridday gantaal nooca ballistic-ga

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa goor dhoweyd ridday gantaal nooca ballistic-ga ah,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon.

Qoraalka laguma xusin halka gantaalka laga riday,masaafada uu jaray iyo halka uu ku dhacay midna,laakiin Af-hayeenka Waaxda difaaca Maraykanka Korneyl.Robert Manning ayaa weriyaasha u sheegay in ay weli qiimeyn ku hayaan.

Dhinaca kale militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyey gantaalka,waxayna sheegeen in ay raadinayaan faahfaahin ku saabsan xilliga la ganay iyo awooddiisa.

Gantaalkan cusub ayaa ku soo beegmay,todobaad kadib markii maadxweyne Trump shaaciyey in uu Kuuriyada Waqooyi dib ugu celiyey liiska dalalka taageera argagixisada oo horay looga saaray.

In ka badan laba bilood ayaan Kuuriyada Waqooyi wax gantaal ah tijaabin,waxaana socday dadaal cadaadis lagu saarayo xukuumadda Pyongan in ay joojiso tijaabinta gantaalaha,taasoo ay ku gacansayrtay.

PUNTLAND POST

The post Deg deg:Kuuriyada Waqooyi oo ridday gantaal nooca ballistic-ga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this