Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Wasiirka dekedaha Puntland.” Dowladda Puntland udulqaadan mayso fidno wadayaal.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda Puntland, Eng. Siciid Maxamed Raage, ayaa sheegay ciidamo la geeyay magaalada Bosaso inay gacan bir ah ku qabandoonaan dadka fidno wadayaasha ah oo dowladnimada kasoo horjeeda.

“Puntland, wajiga ay maanta leedahay waxay kusoo gaartay dowladnimo, mana loo dulqaadandoono, in laga aamuso qof shakhsi ah oo ummadda kiciya islamarkaana qatar ku ah nabad gelyada Puntland.” ayuu yidhi wasiirka dekedaha.

Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Puntland ay go’aan kasoo saartay in sharciga lala tiigsandoono cidii mar dambe iskudayda inay qalalaase ka sameyso magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Halkaan ka dhegayso codka wasiirka.

      10155775629166878

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this