Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda arrimaha gudaha oo xoghaye cusub u magacowday degmada Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Puntland, Cabdulaahi Cali Xirso Timacade ayaa xoghaye cusub u magacaabay degmada Garowe, waxaana shaqadii laga ruqseeyay Cabiqafaar Cabdiraxmaan, oo labadii sano ee ugu dambeysay ahaa xoghayaha dowladda hoose ee Garowe.

Xoghayaha cusub ee degmada Garowe, ayaa loo magacaabay, Maxamuud Cali Gurey, oo soo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee hay’adda wadooyinka Puntland (PHA).

Dhowaan, ayaa duqa degmada Garowe wuxuu shaqo joojin ku sameeyay xoghaye Cabdiqafaar Cabiraxmaan, waxaana maanta ku xigtay in xoghaye cusub loo magacaabay.

Warqada magacaabida.

Capture-3.png

Puntlandi.com

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this