Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo duqeyn ka fuliyey Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Militariga Maraykanka ayaa sheegaya in hal argagixiye ku dhintay duqeyn ka dhan ah Daacish oo ay ka fuliyeen Waqooyi Bari Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraynkanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Soomaaliya ay dhacday Galabnimadii Maanta oo Isniin ah.

Dowladda Maraykanka ayaa horraantii bishaan bilowday beegsiga kooxdaan yar,laakiin sii fidaysa ee Daacish. Bilowgii sannadkaan maamulka Trump ayaa ballaariyey weerada militari ee ka dhanka ah xagjirka,gaar ahaanna Al-shabaab ee xiriirka laleh Al-Qaeda.

Daacishta Soomaaliya oo la sheegay in ay gaarayaan 2oo,ayaa tiro badan oo kamid ah Al-shabaab ka soo goosteen.

Diyaaradaha drones-ka Maraykanka ayaa sannadkaan qaaday in ka badan 20 weerar oo ka dhan ah ururada xagjirka ah.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo duqeyn ka fuliyey Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this