Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Mareykanka oo maanta duqeyn culus la beegsaday Daacishta Somalia (Akhriso Warqada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee ”AFRICOM”, waxaa maanta oo ku beegan 27-ka November mar kale duqeyn cirka ah loo geystay Saldhiga weyn ay Daacishta Somalia ku leeyihiin buuraaleyda Galgala.

Duqeynta oo cusleyd ayaa waxaa la sheegay inay dhacday maanta saacadu marka ay aheyd 03:00-Pm, waxaana la xaqiijiyay in lagu khaarijiyay hal ka tirsan maleeshiyaadka Daacishta Somalia.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka qeybqaaten ciidamada dowlada Federaalka ah ee Somalia oo garab ka helaaya kuwa Taliska Mareykanka ee Africa.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan Duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha Somalia, ee sida tooska ah loola beegsanaayo Al-Shabaab iyo Daacishta Somalia.

Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee ”AFRICOM”, ayaa dhawaan sheegay inay laba jibaarayaan duqeymaha ay ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish ee ka howlgala Somalia.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa xoojiyay howlgalada ay ka fuliyaan Somaliya, waxaana xusid mudan in bishan ay fulisay in ka badan 5 Weerar Saddex ka mid ah ay dhaceen 24 saac gudahooda.

Warqad.jpg?resize=696%2C512

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this