Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamul Goboledyada oo ku dayacan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online ) – Wasiirada iyo Xildhibaanada ka tirsan Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa ku dayacan Magaalada Muqdisho, marka laga hadlaayo dhanka ammaanka, waxayna la mid yihiin bulshada caadiga ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Xildhibaano iyo Wasiiro kala duwan oo ka tirsan Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Maamul Goboledyada, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Jubbaland iyo Galmudug, kuwaasi oo lagu arkaayo qaarkood iyaga oo lugeynaayo wadooyinka Muqdisho.

Inkastoo ujeedooyin kala duwan masuuliyiinta Maamul Goboledyada ay u yimaadaan Magaalada Muqdisho, haddana badanaa waxaa la arkaa Xildhibaano iyo Wasiiro kala duwan oo geed fadhi ka dhigtay Muqdisho, iyaga oo ilaaway shaqooyinkii loo igmaday.

Marka laga hadlaayo dhanka ammaanka waxaa muuqata dayacnaan badan oo haysata xubnahaasi masuuliyiinta ah ee ku sugan Muqdisho, sidoo kale tixgelin badan kama helaan ciidamada dowladda xilliyada wadooyinka ay xiran yihiin.

Xildhibaanada iyo Wasiirada Maamul Goboledyada qaarkood ayaa waxa ay raacaan Mootooyinka Bajaajta iyo gaadiidka dadweynaha, taasi oo muujinaysa sida ay ugu dayacan yihiin Magaalada gudaheeda.

Masuuliyiintaan oo aanan wadan wax ilaalo ah, ayaa sidoo kale waxaa lagu arkaa maqaayadaha Magaalada ku dhexyaalo, xilliyada qaar iyaga oo ka cunteynaayo ama ka shaahaya, taasi oo muujinaysa sida amnigooda uu u dayacan yahay.

Inkastoo aanan si dhab ah la isugu haleyn karin ammaanka Magaalada Muqdisho, maadaama dilal qorsheysan ay ka gaystaan Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa haddana waxaa jira masuuliyiin kala duwan oo ammaankooda dayacan yahay, waxaana muhiim ah in masuuliyiintaasi ay helaan amni buuxa oo damaanad qaad leh.

Marka laga hadlaayo dayaca dhanka ammaanka ee haysta masuuliyiinta Maamul Goboledyada dalka ka jira iyo sida ciidamo badan ay u haystaan masuuliyiinta ugu hooseysa Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa muuqata in farqi wayn uu udhaxeeyo.

Muqdisho ayaa waxaa lagu arkaa Gudoomiye Waaxeed ka tirsan Degmo ka mid ah Gobolka Banaadir oo haysta ciidan badan, waxaa suuragal ah ciidankaasi inuusan haysan Gudoomiyaha Degmada masuulka ka ah.

Todobaadkii aan soo dhaafnay ayeey aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug lagu dilay meel ku dhaw Isgoyska Sayidka, dilkiisa waxaa gaystay askari ka tirsan ciidamada oo hadda ku xiran xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed.

Dowladda Somaliya ayaa ku dadaalaysa xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho iyo ka hortagga falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka, balse muhiimada ayaa ah shacabka iyo masuuliyiinta inay helaan ammaan buuxa.

Isha: Dhacdo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this