Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo guddoomiyay Kulankii ugu Horreeyay ee Golaha Ammaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka_Amniga_Kismaayo-1.jpg?resize=810%Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir-gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee Golaha Amaanka ee heer Dowlad-goboleed, kaasoo ka farcamay golaha Amniga Qaranka.

Labada Madaxweyne ku xigeen Sarakiisha Ciidamada iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada ee gudigan ku jira ayaa kulanka ka qayb galay.

Xaaladaha Amniga deeganada Jubbaland iyo abaabulka Ciidamada ayaa kamid ah qodobada kulanka lagaga hadlay.

Sidoo kale, Xubnaha Golaha uu ka kooban yahay ayuu Madaxweynahu ka dhagaystay xog uruurin iyo tixraac ay maalmahan wadeen oo la xiriira tayada iyo tirada Ciidamada iyadoo la qorshaynayo in mudo kooban hawshaa lagu soo dhameeyo.

Dhaqaalaha deeganada Jubbaland ayaa la isku raacay in la mideeyo isla markaana miisaniyad kordhin la sameeyo mudada loo diyaar garoobayo hawlgalada la qorsheeyay si joogto uu u noqdo mushaarka Ciidanka iyo saadka ay u baahan yihiin.

Arrimaha maamulka iyo adeega Bulshada ayuu golahu isku raacay in la dardar galiyo gaar ahaan Garsoorka iyo Cadaalada iyadoo wakhti dhaw la dhisi doono gudiga adeega Garsoorka.

Ugu dambeyn, Shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayay Jubbaland la tagi doonta qorshe dhamaystiran oo la xiriira sida ay noqonayaan hawlgalada lagu xoraynayo deeganada ay Al-Shabaab wali kaga sugan yihiin Jubbaland.

Shirka_Amniga_Kismaayo-2.jpg?resize=807%Shirka_Amniga_Kismaayo-3.jpg?resize=806%Shirka_Amniga_Kismaayo-4.jpg?resize=805%Shirka_Amniga_Kismaayo-5.jpg?resize=808%

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubbaland oo guddoomiyay Kulankii ugu Horreeyay ee Golaha Ammaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this