Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Kenya oo war ka soo saaray dagaalka Al-shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo uu soo saaray militariga Kenya ayaa lagu sheegay in Al-shabaab inta badan laga saaray kaymaha Boni ee ku yaalla xadka labada dal ee Somaaliya iyo Kenya.

Al-shabaab ayaa halkaas ka soo qaadi jiray weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya,sida uu tilmaamay militariga,waxayna dileen tobanaan isugu jira shacab iyo ciidamada tan iyo markii militariga kenya ay galeen gudaha dalka Soomaaliya sannadkii 2011.

Dhinaca kale sarkaal sare  oo kenyan ah ayaa shalay  sheegay in xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ka soo jeeda dalka Kenya ay ka baxsanayaan duqeymaha Maraykanka ee gudaha Soomaaliya,islamarkaana ay dib ugu soo laabanayaan dalkooda,wuxuuna ka digay halista ka soo wajahan.

weerarada Al-shabaab ka  soo qaadaan  kaymaha Boni ee laga fuliyo gudaha kenya,ayaa waxaa ku baro-baxay boqollaal shacab ah,kuwaasoo naftooda kala baxsanaya qaraxyada iyo  af-duubka joogtada ah ee Al-shabaab.

PUNTLANDPOST

 

The post Militariga Kenya oo war ka soo saaray dagaalka Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this