Sign in to follow this  
Deeq A.

R/Wasaare Khayre oo magacaabey Wasiirka Gaadhaandhigga,xilkiina ka qaadey Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaraah xukuumadda federaalka soomaaliya mudane xasan cali khayre ayaa magacaabey wasiirka cusub ee wasaaradda gaashandhigga ,iyadoo xilkii laga qaadey wasiirkii diinta iyo owqaafta soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in degreetadaasi ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre lagu magacaabey Wasiirka Gaashaandhiga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaadye Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta.

Mursal-696x522.jpg?resize=696%2C522

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga  umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii laga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali.

Xilki Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.

Lama shaacin sababta xilka looga qaaday Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumada Soomaaliya Iimaan Cabdullaahi Cali, waxaase xilka qaadista xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya Eng.Cabdi Raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this