Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo ma halka uu ka doonay ciidanka difaaca shacabka mise halka ay jiraan ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo wuxuu raadinaya wax loo magac daray “Ciidanka difaaca shacabka”, shalay wuxuu la kulmay dhalinyaro la rabo iney ku biiraan ciidankaas si mutadawacnimo ah, sidoo kale horaantii bishan ayuu ugu baaqay dhalinyaradda waxbarata iney qalinka dhigaan oo ay qoryaha qaataan si dalka looga xoreeyo Al Shabaab.

In la dhiso ciidamo horleh iyadoo kuwii hore aan xuquuq iyo nolol fiican loo heynin waa uun iska talo xumo iyo ciwaanka la yiraahdo “wax walba ku tijaabi” , laakiin hadiiba hogaanka sare ee dalku uu raadinayaan ciidamadda difaaca shacabka, waxaan qabaa in shaqaalaha wasaaradaha Dowladda laga qoro kuwa iska dhex fadhiya oo waxey qabtaan waayay, mushaarka fiican qaata, markii horana aan loo qorin baahi shaqaale oo wasaaradaha ka jirtay.

Mudane madaxweyne waxaan aragnay wasaarado degan 5 qol oo kaliya ayna u shaqeeyaan 200 ama 300 oo qof, wax ay wasaaradda u qabtaan Iska dhaafe wasaaraddu xitaa fadhi uma heyso iyo door ay ku shaqeeyaan, waxey qaataan mushaaraad u dhaxeeya $400,$700 ilaa $1200, cid walba ayaa og in aan baahi wasaaradaha ka jirta loo qorin laakiin hadda waxaa la joogaa xiligii laga faa’iideysan lahaa dadkaas.

Adigoo meel ku og 7000 (todobo kun ) oo qof, kuwaas oo 70% aan Dowladda shaqo saxan u heynin, oo mushaar ka qaata bil walba, oo Dowladda Facebook_yadda iyo fedhi ku diriradda ka caaya, inaad dhalinyaro hada wax baraneysa dagaal galiso sabab keeni karta ma muuqato , adna ilama ahan madaxweyne inaad sharaxaad u heyso midaas.

Shaqaalaha wasaaradaha ee 12kii sano ee lasoo dhaafay uu wasiir walba xoogaa ku heyb ah kusoo xaabiyay meesha fadlan qaranka uga faa’iidey ,mudo ayey lacag bilaa dhidid ah qaadanayeen, waxaa jira wasaaraddo shaqaalahoodu ku yimaadeen hanaanka 4.5.

Wasaarad walba hadii aad 100 shaqaale ah ka qaado, tababar ciidan oo deg deg ahna la siiyo lana jiheyo waxaad heli kartaa dhowr kun oo askari oo ah ciidanka difaaca shacabka, markii aad talaabadaas qaado dadku waxey kuu arki doonaan nin meel u socda, hadii aaney xitaa taasi macquul kuu aheyn mushaarkooda 60% hala dhimo oo ciidanka mushaarkiisa 60% kor u qaad si Askarinimadu qiimo u yeelato inta dalku ku jiro xaaladda dagaal.

Suurta gal ma’ahan madaxweyne inaad wiilal iyo gabdho wax baranaya kusoo lugooyso meel bilaa mushaar ah oo bilaa xuquuq ah ee fadlan kuwa aad bil walba lacagta akoonada ku siisaan uga faa’iideya dalka iyo dadka.

Talaabadan hadii aad qaado waxaan hubaa in intooda dhiiga shacabka dhuuqi jirtay ay qeyli doonaan ama ay Iska bixi doonaan , kadib waxaad heli doontaa wiilal iyo gabdho saacadna xafiisyadda ka shaqeeya, saacadna qorigoodu garabka ugu jiro oo dalka difaacaya.

Ilama ahan iney jiri doonaan dad badan oo kugu garab istaaga inaad iska indho tirto 7000 oo shaqaale ah oo lacag qaata bil walba wax muuqdna aan u qaban Dowladda, oo taa badalkeeda aad caruur wax baraneysa dagaal ugu yeerto, Dowladnimadu ma’ahan qudbo iyo hadal macaani ee waa arin u baahan fikir iyo fulin.

Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax
Raafac22@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this