Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Danjire Maxamed Mursal Sheekh Oo Loo Magacaabay Wasiirka Gashaandhigga

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goordhaw Xildhibaan Danjire Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan loo magacaabay  in uu noqdo wasiirka gashaandhigga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa horay waxaa uu November 2016-kii uga mid noqday Xildhibaan Beesha Luwaay ee golaha shacabka  federaalka ah, waxaa uu xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka ahaa wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa 2011-kii loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Turkiga, jagadaasi uu hayey wax ka badan 5 sano.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ee Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Cabdullaahi ayaa is casilay October 12, 2017-kii, 2 maalmood ka hor qaraxii Zoobe.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Xasan Khayre ayaan xilka ka qaaday Wasiirka Diinta & Awqaafta Mudane Iiman Cabdullahi Cali waxaana sii heynaya Wasiiru Dowlaha Mudane Cabdihakim Xassan Ibrahim Ashkir.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this