Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Soo Magacaabista Golaha Wasiirada Ee Hirshabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa wada la tashiyadii ugu dambeeyay ee soo magacaabista golahiisa wasiirada cusub.

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in madaxweyne Waare uu ku laabto magaalada Jowhar, kadib safar uu ugu maqnaa magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi ku qulqulaya siyaasiyiin xil ka raadinaya maamulka Hirshabelle.

Ilo ku dhow madaxtooyada Jowhar ayaa u sheegay Goobjoog News, in madaxweyne Waare markii uu yimaado Jowhar uu la kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada si uu ugala tashado wasiirada uu soo magacaabi doono.

Waxaa jiray khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay madaxweyne Waare iyo Xildhibaannada Hirshabelle, kaasi oo ku aadanaa hannaanka loo soo magacaabayo wasiirada balse ugu dambeyn is faham laga gaaray.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this