Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo gacanta ku dhigtay Ajaaniib ka tirsan Al-shabaab & Howlgalo lixaad leh oo socda (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Ajaaniib looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ajaaniibtan ayaa waxaa lagu qabtay howlgal ay ciidamada maamulka ka fuliyeen degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Ajaaniibta looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay yihiin Seddex kuwaa oo xiliga la qabanaayay ku guda jiray howlo gaar ah.

Ajaaniibta la qabtay ayaa waxaa horboodaayay nin Somali ah kaa oo lagu qabtay howlgal khaasa oo ka dhacay magaalo Xeebeedka Garacad ee Maamulka Puntland.

Saraakiisha hogaamineysay ciidamada ayaa xaqiijiyay inay hayaan macluumaad kaamil ah oo muujinaaya in Ajaaniibtan ay howlaha gaarka ah u fuliyaan maleeshiyaadka Alshabaab.

Saraakiisha ayaa sheegtay in sharciga la horgeynaayo Ajaaniibta si loogu abaalmariyo waxa kasoo baxa baaritaanka ay mari doonaan.

“Saddexdaan qof waa ajaaniib waxaa ku jira mid Soomaali ah, waxaan uga Shakisanahay in ay yihiin Al-shabaab ama ay la shaqeeyaan baaritaan ayaan ku wadnaa oo wixii ka soo baxa Saxaafadda waan la wadaagi doonaa”

Maamulka Puntland ayaa ciidamo farabadan geysay magaalada Garacad ee Gobolka Mudug kadib markii ay sheegeen in ay heleen xog muujineysa in Al-shabaab ay doonayaan in ay isku fidiyaan magaalo Xeebeedka Garacad oo ay weeraro ka soo qaadaan.

Dhinaca kale, waxaa qeybo kamid ah Puntland galay maleeshiyaad hor leh oo ka tirsan Alshabaab kuwaa oo doonaaya in falal amni darro ay ka geystaan deegaanada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this