Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo “Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhallinyaro ah oo ka jawaabay baaqaygii” (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kula kulmay dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jenaaral Kaahiye  600 oo dhallinyaro ah oo si mutadawacnimo ah ugu istaagay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Boqalaalka dhallinyarada ah ee uu la hadlay Madaxweynuhu waxa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay in ay furimaha dagaalka ku weheliyaan Ciidanka Xoogga si ay uga qayb qaataan difaaca dalka iyaga oo u huraaya naftooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada sida ay uga dhiidhiyeen falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku hayaan Shacabka iyo Goa’aanka geesinimada ah ee ay u qaateen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen difaaca dalka.

“Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhalinyaro ah oo ka jawaaba baaqaygii, una istaagay in ay nafootada u huraan dalkooda, in ay u dhintaa diintooda, in ay difaacdaan dadkooda. Waxaad tihiin Mustaqbalka Soomaaliya. Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhalinyaradiisa.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta ay ku leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed horumarka dalka,isagoo sheegay in 70% boqolkiiba ay yihiin dhalinyaro,wuxuuna ku boorriyay dhallinyaradaasi in ay u istaagaan sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxda Alshabaab ee dhibaatada iyo gumaadka ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo-.jpg?resize=609%2C406

Famaajo-1-1.jpg?resize=640%2C427

Farmaajo-2-2.jpg?resize=628%2C418

1-7.jpg?resize=576%2C3842-9.jpg?resize=576%2C3843-8.jpg?resize=576%2C3844-4.jpg?resize=576%2C384

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this