Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso Caqabadaha Ciidamada Dowladda ka hor taaggan inay AMISOM kala Wareegaan Amaanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Onlin) – Marka laga reebo howlgalkooda Milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ciidamada AMISOM waxay tababaro iyo qalabeen u sameeyeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) iyadoo ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu wareejiyo goobaha laga xureeyo Al-Shabaab

Kadib 18 Bilood oo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda wadeen weeraro xoog leh oo Al-Shabaab looga saaray magaalooyin badan sanadkii 2013 waxay weeraradaas noqdeen ugu dambeyn kuwa istaago waxayna arrintaas fursad siisay Ururka Al-Shabaab.

Midkoodna AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya way awoodi waayeen inay Al-Shabaab ku qaadaan weeraro kale oo looga saarayo meelaha kale oo ay ku sugan yihiin taasoo Al-Shabab ku noqon laheyd qalqal iyo Cabsi isla markaasna waxay arrintaas keeni laheyd inay xasilooni ahaadaan goobaha horey looga qabsaday Al-Shabaab oo hadda ah difaacyo ciidan.

Sanadihii ugu dambeeyey Dowladaha Taageero Soomaaliya ayaa kaalin weyn ka qaatay tababarada la siinayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana dowladaha sida weyn uga qeyb qaatay kamid ah: Midowga Yurub, Turkey, Imaaraadka Carabta, Mareykanka iyo Shirkadda amaanka ee sida gaarka ah loo leeyahay ee Bancroft Global.

Inkastoo tababarkoodu uu ahaa mid qiimo leh, haddana caqbaha ugu weyn ee jira ayaa ah inaysan tababaradaan aheyn kuwa joogto ah isla markaasna aan loo marin jidkii saxnaa, waxayna arrintaas caqabad ku noqotay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda ayaan heysan Qalab ciidan oo ku filan, sidoo kalana ma helaan tababar abaabulan oo lagu barayo Anshaxa ciidanimo iyo in lagu abuuro wadaniyad weyn si ay awood ugu helaan inay dalka ka xoreeyaan xagjiriinta Al-Shabaab.

Ciidamada hadda u dhisan Soomaaliya ayaa ah Maleeshiyo u abaabulan ha beeleed, waxayna ka badan yihiin Kuwa loo diyaariyey hab Ciidan Qaran oo awood u lahaan lahaa inay amaanka kala wareegaan Ciidamada AMISOM.

In dib loo helo Amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya waxay ku xiran tahay in la helo ciidamo Soomaaliyeed oo isugu jiro Militari iyo Boolis awood u leh inay hantaan amaanka Dalkooda, rajadaasna waxay aheyd mid mugi weyn ku jirto, inkastoo dhawaan magaalada Muqdisho laga furay Saldhig weyn oo ay leeyihiin Ciidamada Turkiga kaasoo lagu tababari doono Ciidamo Soomaaliyeed oo u dhisan qaab Qaran, waxayna dowladda Turkiga markiiba tababar siin doontaa 1,500 oo askari, waxaaa tababarkaas bixinayo 200 o tababarayaal u dhashay dalka Turkiga ah.

Waxaa jirto rajo weyn oo laga leeyahay in Saldhiggaas laga soo saaro ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh kuwaas oo dalka ka xoreeyo Xarakada Al-Shabaab isla markaasma amaanka dalka la wareego marka Soomaaliya ay ka baxaan Ciidamada AMISOM.

Soomaaliya waxaa weli saaran cuna qabateynta hubka ee Qaramada Midoobay kusoo rogtay, taasoo dowladda Soomaaliya u diideyso inay lasoo dagto hubka cul culus, waxaana kaliya loo ogol yahay inay helaan Ciidamada dowladda hubka fudud, Cuna qabateyntaas ayaan ah Caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya ka hor taagan inay gaarto isku filnaan, waxaana Al-Shabaab looga adkaan karaa kaliya inay Ciidamada Dowladda helaan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gawaarida gaashaaman.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this