Sign in to follow this  
Deeq A.

200 oo dhallinyaro oo isku diiwaan geliyey Ciidamada Badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxweynaha oo Hadda la hadlayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan Xarunta Iskuul Boolisiyo.

Madaxweynaha ayaa halkaas khudbad ugu jeedinayo ku dhawaad 200 oo Dhallinyaro ah oo isku diiwaan geliyey inay kamid noqdaan Ciidamada ka qeyb qaadanayo badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Dhallinyaradaan ayaa isi soo diiwaan geliyey kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in la sameyn doono Ciidamo gaar ah oo badbaadin doono Shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato xoog leh kala kulmayo Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa dhallinyaradaan u jeedinayo hadal dhiiragelin ah iyo mahadcelin, maadaama ay iskood u go’aansadeen inay badbaadiyaan Shacabka Soomaaliyeed .

Khudbadda Madaxweynaha oo dhameystiran iyo sawirada dhallinyaradaas daqiiqado kadib ayaan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this