Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Nabad Suggida iyo Militariga iyo Shan Askari oo Gacanta ….

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Nabad Suggida ayaa gacanta ku dhigay Shan nin oo ka tirsan ciidamada Militariga Somaliya, kadib markii iska hor imaad uu ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Degmadaasi.

Iska hor imaadka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidanka NISA ay ku baxeen raggan ciidanka Militariga ka tirsan oo doonayay handadaad inay ku dhacaan nin iska leh milkiyada guri ku yaallo Degmada Waaberi.

Ciidamada NISA ayaa ku guuleystay soo qabashada raggaasi iyo hubkii ay wateen, waxaana baxsaday hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga, halka nolosha lagu qabtay Shan ka mid ah lixdii nin ee ciidanka Militariga ka tirsanaa.

Wararka ayaa sheegaya in laba ka mid ah ciidamada Militariga ay ku dhaawacmeen iska hor imaadkaasi, halka saddexda kalena iyaga oo badqaba iyo hubkooda ciidanka ay gacanta ku hayaan.

Goobta iska hor imaadka uu ka dhacay oo ku dhaw nawaaxiga buundada ku aadan xarunta Degmada Waaberi ayaa waxaa goobtaasi tagay Gudoomiyaha Degmada Waaberi iyo Saraakiisha ciidamada.

Ciidankan Militariga ka tirsan ee la qabtay ayaa rabay inay qaab handadaad ah ku dhacaan nin shacab ah oo leh milkiyada guri ku yaallo Degmada Waaberi, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada NISA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this