Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab dalka miyey dib ula wareegi doonaan mise Farmaajo ayaa tirtiri doono?!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Onlin) –Inkastoo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay xoogga saareen sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa Magaalooyinka waaweyn iyo Caasimadaha Maamul Goboleedyada, haddana waxay Al-Shabaab ka faa’ideyteen fursadda ay u heleen inay si nabadgalyo ah u joogaan dhulka Miyiga ah ee Soomaaliya ku yaal kaasoo aad u weyn, waxayna arrintaas keentay inay Al-Shabaab dib isku aruursadaan, soo qorsheeyaan isla markaasna ay fuliyaan weeraro ka dhanka ah dadka Shacabka, Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigtay awoodda ay u leedahay in ay qaado  weerarro aad u xooggan kadib markii ay weeraro ku qaadeen Saldhigyada sida weyn loo ilaaliyo oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM taasoo sababtay Khasaaro aad u weyn oo aan si rasmi ah loo helin, sidoo kala waxay Muqdisho ka fuliyeen weeraro yaab leh oo isugu jiro Qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu fulinayo saraakiisha Amaanka ee dowladda iyo xubno muhiim ah.

Qaraxyadii dhawaanahan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku nafwaayeen in ka badan 400 qof, waxay calaamad u tahay in kooxaha xagjirka ahi ay weli firfircoon yihiin isla markaana ay awood u leedahay kooxda Al-Shabaab inay dib usoo baxdo haddii ay Ciidamada AMISOM isaga baxaan Soomaaliya isla markaasna aan la helin Ciidamo Soomaaliyeed oo buuxin karo booskaas

Fashilka ku yimid Ciidamada AMISOM iyo  Ciidanka Qaranka Soomaaliya ee ku aadan in Al-Shabaab looga dabatago Duurka ay u carareen oo ay Sabab u tahay tabardarro xagga Ciidanka ah ama sida ay u badan tahay oo ah  inaysan lahayn rabitaan siyaasadeed ayaa Kooxdaan u suurtagelisay in ay sii wadaan helitaanka dhaqaale maaliyadeed, qorista iyo tababaridda askar cusub oo lagu tababarayo meelo aad u baaxad weyn oo kamid ah duurka iyo meelaha aan la daganeyn, waxayna heleen fursad weyn oo dhanka dhulka ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan ka faa’ideysto isbadalada Ciidamada AMISOM, Sanadkii 2017 markii Ay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya baxeyn, waxay Al-Shabaab durba la wareegtay meelo badan oo ay kamid yihiin  Burduhule, Rabdhure, Garasweyne iyo Tiyeglow oo dhaca Gobolka Bakool; Eli Ali, Halgan, iyo  Moqokori oo dhaca Gobolka Hiiraan; Bud iyo Gal’ad  oo iyagana dhaco Gobolka Galgaduud; iyo  Adan Yabal oo dhacda Gobolka Shabeelada Dhexe.

Arrintaas ayaa muujisay fadeexad ah inaysan Al-Shabaab sidaas uga fogeyn meelaha ay joogaan Ciidmada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab, waxaana jirto meelo badan oo hadda gacanta ugu jirto dowladda oo nugloon inay Al-Shabaab la wareegaan haddii ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM isaga soo baxaan .

Iyadoo ay Ciidamada AMISOM ku sugan yihiin Soomaaliya, Weerarada Al-Shabaab kaliya kuma koobno Soomaaliya, Kooxdu waxay ballaarisay howlgalkeeda ku wajahan waqooyiga iyo xeebta Kenya, waxayna muujisay awooddeeda ah inay weerarto bartilmaameedyada ka baxsan Soomaaliya, tusaale ahaan weerarada ay ka fulisay meelo ka baxsan Soomaaiya waxaa kamid ah qaraxyadii Kampala ee 2010-kii, weerarro ba’an oo ka dhacay Westgate Mall ee Nairobi iyo weeraradii Jaamacadda Gaarisa ee 2013 iyo 2015, waxayna Al-Shabaab qorsheysay inay ka faa’ideysato xaaladaha diineed iyo nabadgelyada gobolka.

Yaa og waxa dhici doona 25-ka bilood ee soo socda iyadoo ciidamada AMISOM ay qorsheenayaan inay si tartiib tartiib ah uga baxaan Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen muddo 10 Sano ka badan,? Soomaaliya ma waxaa laga yaabaa inay dib u soo celiso taariikhdeedii hore ee Foodada aheyd, ama Madaxwayne Farmaajo ayaa laga yaabaa inuu awood u yeesho oo uu xoojiyo hadalkii dhawaan kasoo baxay ee ahaa in la qaqaadayo dagaalkii ugu dambeeyey ee lagu ciribtirayo Kooxdaan ka hor inta aysan Soomaaliya ka bixin Ciidamada ugu dambeeyo ee ka tirsan Midowga Africa ?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this