Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Siyaasi Sheegay In Carqalad Siyaasadeed Ka Dhalan Karto Dalabkii Dowlad Goboleedyada Usoo Jeediyeen Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Cabdi Xaashi C/salaam oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in carqalad siyaasadeed ay ka dhalan karto dalabkii 23-kii bishan ay maamul goboleedyada u jeediyeen aqalka sare ee baarlamaanka, kaasi oo ku aadan in la hakiyo dhammaan hindise sharciyeedyada la meelmarinayo.

Waxa uu tilmaamay in xukuumadda uu hoggaamiyo Raโ€™iisul wasaare Xasan Cali Kheyre laga doonayo iney fuliso balamihii ay la galeen madaxda maamul goboleedyada.

โ€œWixii lagu heshiinย  haddii aan la fulin hadde waxaa imaaneysa carqalad siyaasadeed oo ka dhex bilaabanta dowladdii dhexe iyo dowlad goboleedyadaโ€ ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Maamul goboleedyada ayaa dalbanaya in dowladda Federaalka ay fuliso heshiiskii ahaa in golahooda lasoo marsiiyo hindise sharciyeedyada ay soo gudbiso xukuumadda kahor inta aan loo gudbin baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2017/11/WAREYSI-SIYAASI-CABDI-XAASHI-25-2017.mp3

Goobjoog News

ย 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this