Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shabaab oo dagaal uu dhiig ku daatay looga saaray deegaan muhiim ah oo ay ku lahaayen Saldhigyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa maleeshiyaadka al-Shabaab kala wareegay Degaan lagu magacaabo Abiikarow oo hoostaga Degmada Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa weerar dhowr jiha ah ku qaaday Saldhigyo ay maleeshiyada ku laheyd deegaanka waxaana u suuragashay dagaal xoogan kadib inay la wareegan deegaanka.

Ciidamada Xoogga ayaa waxaa dagaalka ku wehlinaayay ciidamo ka tirsan AMISOM, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa maleeshiyada looga dilay dhowr hubeysneyd.

Taliyaha ciidamada G/Sare Xasan Maxamed Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab ka xureeyeen Degaanka hoosyimaada Degmada Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal-1-2.jpg?resize=675%2C379Dagaal-2-2.jpg?resize=640%2C359Dagaal-3-2.jpg?resize=640%2C359Dagaal-4-1.jpg?resize=640%2C359Dagaal-5-1.jpg?resize=640%2C359Dagaal-6.jpg?resize=640%2C359Dagaal-7.jpg?resize=640%2C359Dagaal-8.jpg?resize=640%2C359

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this