Sign in to follow this  
Deeq A.

Emmerson Mnangagwe oo ku laabtay Harare si looga dhaariyo xilka Madaxweynaha Dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

zimbabwe-coup-mnangagwa.jpg?resize=834%2Harare (PP) ─ Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwe ayaa dib ugu laabtay caasimadd dalkaaasi ee Harare, isaga oo loo diyaarinayo in loo dhaariyo xilka madaxweynenimada Zimbabwe kadib iscasilaaddii Robert Mugabe.

Mnangagwe ayaa u baxsaday dalka Koonfur Afrika labo todobaad ka hor, kadib markii Mugabe uu xilka ka qaaday, maanta ayuuna dalkiisa ku laabanayaa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xisbiga ZANU-PF.

Xisbiga ZANU-PF ayaa Mnangagwa u doortay in uu noqdo madaxweynaha xisbiga, waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu noqdo madaxweynaha Zimbabwe kadib markii uu xilka ka dagay Robert Mugabe oo dalkaas maamulayay muddo 37 sano ah.

Sidoo kale, afhayeenka xisbiga talada haya ayaa sheegay in ninkan oo 75-jir ah uu dhammeysan doono muddada xilka uga dhimanayd Mugabe oo ah illaa bisha September ee Sanadka 2018-ka, xiligaasoo dalkaas ay ka dhici doonto doorasho guud.

Waxaa lagu naanaysaa ‘Yaxaaska’ – Waxayna ugu baxday fikirka laga qabo ee ah in uu yahay nin arxan daran. Isagoo waraysi siiyay wargeyska News-Day ayuu yiri. “Anagoo wadajirna ayaa waxaan xaqiijineynaa in aan adkeyno Dimuquraadiyadeena, isla markaasna wax kasta aan si cusub u bilowno dalka oo dhan.”

Sida uu qabo dastuurka wadanka Zimbabwe, madaxweynaha KMG ah waxaa Qabanaya madaxweyne ku xigeenka, balse kan hadda jooga Phelekesela Mphoko ayaa loo arkaa inuu xulufo la yahay xaaska Mugabe, waxayna u badantahay in uusan dalka ku sugnayn, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in xisbiga ZANU-PF uu xilkaba ka qaaday.

Dadka qaarkood ayaa isweeydiinayay xil ku wareejinta Mnangagwa ay keeni karto isbadal dhab ah. Wuxuu ahaa taliyaha nabad suggida markii la laayay kumanaan shacab ah oo mucaarad ku ahaa Mugabe waxyar kadib markii xornimada la qaatay sanadkii 1980-kii.

Hoggaamiyaha mucaaradka Morgan Tsvangirai ayaa BBC-da u sheegay in uu rajaynayo in Zimbabwe ay qaaddo dhabbo cusub oo ay ka mid tahay in la helo doorasho xaq iyo xalaal ah.

David Coltart oo ka mid ah mucaaradka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray oraahdan “Waxaan aan meesha ka saarnay nin arxan daran, balse arxan daradii wali waa jirta”.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Modwga Afrika, Alpha Conde ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay waxa dhacay, balse uu ka xunyahay qaabka ay wax u dhaceen “Waa ceeb in uu ka boxo albaabka dambe,” ayuu yiri.

PUNTLAND POST

The post Emmerson Mnangagwe oo ku laabtay Harare si looga dhaariyo xilka Madaxweynaha Dalkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this