Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug Oo Lagu Diley Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Askari ilaale ahaa ayaa lagu soo waramayaa in uu magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Galmudug.

Gaariga marxuumka la diley ayaa la sheegay inuu ku dhowaaday gaari uu la socday xildhibaanka ka tirsan golaha shacabka kaasi oo ku dhowaa nawaaxiga bar koontarool oo taalla Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ilaaladii la socotey xildhibaanka ka tirsan golaha shacabka ay rasaas ku fureen gaarigii uu saarnaa xildhibaanka Galmudug, halkaasina uu ku dhintey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this