Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Katirsan Gal-Mudug oo Goordhow lagu Dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa Goordhow lagu dilay Xildhibaan Katirsanaa Baarlamaanka Maamulka Gal-Mudug.

Xildhibaan oo lagu Magacaabi Jiray Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed(Madoobe)  Ayaa katirsanaa Baarlamaanka Gal-Mudug Waxaana Askari la sheegay in uu ilaalo u ahaa Xildhibaan katirsan baarlamaanka uu ku dilay Muqdisho.

Dilkaan Ayaa ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeeyn Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho waxaana la sheegay in gaariga uu watay xildhibaanka la dilay uu ku dhowaaday gaariga uu watay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya  islamarkaasina uu toogtay nin ilaalo u ahaa Xildhibaanka

 

Magaalada Muqdisho waxaa ku badan kala shakiga soo kala dhexgala Masuuliyiinta waxaana xusid mudan in sidaan oo kale meel aan sidaasi uga fogeeyn lagu dilay allaha u naxariistee Wasiir Siraaji .

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Xildhibaan Katirsan Gal-Mudug oo Goordhow lagu Dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this