Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Maraykanka ay ka codsatay duqeyntii shalay.

Recommended Posts

Deeq A.   

dowladda Somaliya ayaa Arbacada Maanta sheegtay in ay iyadu codsatay weerarkii shalay Maraykanku ka fuliyey Soomaaliya,kaasoo lagu dilay in kadan 100 dagaallame oo ka tirsan mindiinta Al-shabaab.

salaasadii shalay, Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa shaaciyey in ay duqeyn ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Alshabaab,xero ku taalla meel 200km Waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Laakiin Al-shabaab ayaa beenisay sheegashada Maraykanka“Waxba kama jiraan warka ay baahiyeen Mareykanka ee ah inay duqeyn la beegsadeen saldhig ay Al-shabaab ku leedahay Gobolka Bay, Warkaana waa mid aan sal iyo raad lahayn,” ayuu yiri Abuu-muscab.

“Xagjiriinta ayaa diyaarinayay walxaha qarxa iyo weerarro. Hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa la kordhiyay, “ayuu yiri Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, Wasiirka warfaafina Soomaaliya oo la hadlay wakaaladda Wararka Reuters,wuxuuna raaciyey”Maraykanka waxaan weydiisannay in ay hawada naga caawiyaan si hawlgallkeenna dhulku u noqdo mid guulaysta”

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in militariga Maraykanku sii wadi doono beegsiga xagjiriinta,iyadoo iskaashi lala samaynayo dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

 

 

 

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Maraykanka ay ka codsatay duqeyntii shalay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this