Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso 25 kamid ahaa Madaxdii ugu sareysay Shabaab ee la dilay ama la qabtay intii uu dhaxeysay 2007-2016

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay liiska Hogaamiyaashii iyo madaxdii laga dilay Ururka Al-Shabaab intii u dhaxeysay 2007 ilaa 2016 oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Difaaca Dowladda Mareykanka.

Liiska lasoo bandhigay ayaa waxay isugu jiro qaar la dilay iyo qaar la qabtay, waxaana kamid ah magacyo aan horey loo maqlin inay geeriyoodeen ama la qabtay.

Hoggaamiyaashaan intooda badan waa la dilay halka qaar uu kamid ah yahay Xasan Daahir Aweys ay isi soo dhiibeen, waxayna dilalkaan iyo qabashadaan dhaceyn intii u dhaxeysay 2007 ilaa 2016, sida ay wabrixinta kusoo saartay dowladda Mareykanka.

Magaca qofka la dilay ama la qabtay Doorka Hogaaminta Bishii iyo sanadkii la dilay/la qabtay
Abdullahi Sudi Arale Hogaamiye dhanka Siyaasadda ah January 2007
Sheikh Abdullahi Mo’alim Ali ‘Abu Utayba’ Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan January 2007
Abu Talha al Sudani U qaabilsanihii Al-qaacidda ee Geeska Africa May 2008
Aden Hashi Ayro Aas aasaihii Al-Shabaab iyo Taliyihii Al-Qaacidda ee howglada Bariga Afrika May 2008
Sheikh Muhyadin Omar Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan May 2008
Saleh Ali Saleh Nabhan U Qaabilsanihii Al-Qaacidda ee  Bariga Africa September 2009
Abdullah Fazul (aka Fazul Mohammed) Madaxa Bariga Afrika al Qa’ida (EAAQ); Taliyaha Sirdoonka ICU June 2011
Bilal al Berjawi (aka Abu Hafsa) Madaxii Al-Qaacidda ee Bariga Africa January 2012
Ibrahim al-Afghani Wuxuu qeyb ka ahaa dhisitaanka Ururka Al-Shabaab June 2013
Abul Hamid Hash Olhayi (Maa’lim Hash) Aas aasayaashii Al-Shabaab June 2013
Hassan Dahir Aweys Aas aasayaashi Al-Shabaab August 2013
Omar Hammami (Abu Mansur al-Amriki) Afhayeenkii Al-Shabaab September 2013
Abdullahi Ali (Ante Ante) Hoggaamiye Shabaab ka tirsanaa October 2013
Laba Shakhsi oo aan magacooda la helin Hoggaamiyaal Shabaab ka tirsanaa October 2013
Ahmed Mohamed Amey Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan January 2014
Ahmed Abdi Godane (Mukhtar Abu Zubayr) Amirkii Al-Shabaab kana tirsanaa dadkii Dhisay Ururkaan September 2014
Abdishakur (Tahlil) Madaxa al-Shabaab ee ammaanka iyo sirdoonka (Amniyaat) December 2014
Sahal Iskudhuq Sarkaal sare oo dhanka Sirdoonka ahaa January 2015
Yusef Dheeq Madaxa al-Shabaab ee ammaanka iyo sirdoonka (Amniyaat), wuxuu ku xigeen u ahaa Abdishakur January 2015
Olow Barow Hoggamiye dhanka Militariga ah February 2015
Adan Garar Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan March 2015
Hassan Turki Aasaasihii ICU, hoggaamiye ka tirsanaa Al-Shabaab, ka qeyb galay dagaalkii Afgaanistaan, hoggaamiyahii AIAI, hoggaamiyahii Rugta Ras Kamboni May 2015
Abdirahman Sandhere (Ukash) Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan December 2015
Hassan Ali Dhoore Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan March 2016
Abdullahi Haji Da’ud Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan May 2016

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this