Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe oo noqonaya Madaxweynaha cusub ee dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

171116155623-emmerson-mnangagwa-exlarge-Harare (PP) ─ Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu ku laabto Harare oo ah xarunta dalka Zimbabwe, isagoo loo diyaarinayo in loo dhaariyo xilka Madaxweynenimada Zimbabwe kaddib is-casilaaddii Robert Mugabe, sida ay baahisay BBC-da.

Mnangagwe ayaa u baxsaday Koonfur Afrika Labo toddobaad ka hor, kaddib markii Mugabe uu xilka ka qaaday, maanta ayuuna Dalkiisa ku Laabanayaa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xisbiga ZANU-PF.

Xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa Mnangagwa u doortay inuu noqdo guddoomiyaha Xisbiga, waxaana lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha Zimbabwe kadib markii uu xilka ka dagay Robert Mugabe oo dalkaas maamulayay muddo 37 sano ah.

Afhayeenka xisbiga ayaa sheegay in ninkan oo 71 jir ah uu dhamaysan doono mudada xilka uga dhimanayd Mugabe oo ah illaa bisha sebtembar ee sanadka 2018-ka, xiligaas oo la qaban doono doorashooyinka guud.

Waxaa lagu naaneesaa ‘Yaxaaska’, waxayna ugu baxday fikirka laga qabo ee ah in uu yahay nin arxan daran.

Isaga oo waraysi siiyay wargeyska NewsDay ayuu yiri “Anaga oo wadajirna ayaa waxaan xaqiijineynaa in aan adkeyno dimoqoraadiyadeena, islamarkaasna wax kasta aan si cusub u biloowno dalka oo dhan”.

Sida uu qabo dastuurka, madaxweynaha kumeelgaarka ah waxaa qabanaya madaxweyne ku xigeenka, hase yeeshee kan hadda jooga Phelekesela Mphoko ayaa loo arkaa in uu xulufo la yahay xaaska Mugabe, Grace, waxayna u badantahay in uusan dalka ku sugnayn, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in xisbiga ZANU-PF uu xilkaba ka qaaday.

Dadka qaarkood ayaa isweeydiinayay xil ku wareejinta Mnangagwa ay keeni karto isbadal dhab ah.

Waxa uu ahaa taliyaha nabad suggida markii la laayay kumanaan shacab ah oo mucaarad ku ahaa Mugabe waxyar kadib markii xornimada la qaatay sanadkii 1980-kii.

Hoggaamiyaha mucaaradka Morgan Tsvangirai ayaa BBC-da u sheegay in uu rajaynayo in Zimbabwe ay qaaddo dhabbo cusub oo ay ka mid tahay in la helo doorasho xaq iyo xalaal ah.

David Coltart oo ka mid ah mucaaradka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray oraahdan “Waxaan aan meesha ka saarnay nin arxan daran, balse arxan daradii wali waa jirta”.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Midoowga Afrika Alpha Conde ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay waxa dhacay, balse uu ka xunyahay qaabka ay wax u dhaceen “Waa ceeb in uu ka boxo albaabka dambe” ayuu yiri.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe oo noqonaya Madaxweynaha cusub ee dalkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this