Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeen u hadlay Kooxda Al-shabaab oo beeniyay in saldhig ay leeyihiin la Duqeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda_Al-shabaab_Somalia.jpg?resize=836Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa war kasoo saartay war kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] iyo Dowladda Somalia, kaas oo sheegaya in la duqeeyay xero Tabbabar oo Al-habaab ku lahaayeen gobolka Bay.

Afhayeenka hawl-galada Al-shabaab, C/casiis Abuu Muscab oo la hadlayay Idaacada ku hadasha Al-shabaab ku hadasha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in duqeyn Mareykanka fuliyay lagu dilay 100 xubnood oo ka mid ah xoogaggooda.

“Waxba kama jiraan warka ay baahiyeen Mareykanka ee ah inay duqeyn la beegsadeen saldhig ay Al-shabaab ku leedahay Gobolka Bay, Warkaana waa mid aan sal iyo raad lahayn,” ayuu yiri Abuu-muscab.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray inaysan jirin mid ka mid ah xoogagooda oo la dilay, isagoo xusay in warka ka soo yeeray Mareykanka lagu qarinayo fashilin iyo Guul-darrooyinka Mareykanka iyo xulafadiisa kasoo gaaray dagaallada ka socda Somalia.

Dhanka kale, War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika oo loo yaqaan AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo shalay oo ay ka fuliyeen meel 125-mayl u jirta Muqdisho ay ku Qaarijiyeen 100 Askari oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Sannadkii hore 2016-kii ayay ahayd markii Mareykanka uu sheegtay duqeyn uu ka fuliyay gobolka Hiiraan uu ku dilay boqol xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo isku diyaarinayay inay Weeraro ku qaadaan xeryaha ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

PUNTLAND POST

The post Afhayeen u hadlay Kooxda Al-shabaab oo beeniyay in saldhig ay leeyihiin la Duqeeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this