Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Muqdisho lagula eegtay Ciidamada Xasilinta iyo Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) –Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta ayaa waxaa Qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka ka imaanayo Degmada Hodan.

Sida ay wararka sheegayaan  Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta, xilli ay ku lugeynaayeen Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaasha.

Miinada ayaa lagu aasay wadada dhinaceeda, waxaana la qarxiyay xilli ciidanka ay marayeen meel ku dhaw goobta lagu aasay Miinada ee Isgoyska Tarabuunka, Hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay qaraxaasi, waxaa kale ku dhaawacmay mid kale sida Saraakiisha ay xaqiijiyeen.

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi waxa ay sheegeen inay ku dileen saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Marka laga soo tago sheegashada Shabaab, waxaa xusid mudan hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda inuu ku dhintay qaraxaasi.

Ciidamo kale oo gurmad ah oo soo gaaray ciidanka qaraxa lala eegtay ayaa goobta ka sameeyay hawlgal waxayna soo qabteen dhawr qof oo ay tuhmayaan inay falkaasi ka dambeeyeen.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday Hotel Nasa Hablood 2 waxay Magaalada Muqdisho ku jirtay Xaalad amni, iyadoo ay Ciidamada dowladda sii laba jibaareen baaritaanada ay ka wadeen Magaalada.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa dhawr sano ka hor laga saaray Magaalada Muqdisho, balse waxaa socdo ilaa hadda weeraro iyo qaraxyo gaadmo ah oo ay kooxdaan ka wadaan Magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this