Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Dowladda Itoobiya la gashay heshiisyo ka hor imaanayo Dastuurka iyo dowladda dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Heshiis dhinacya badan taabanaya ay la saxiixatay maamulka ‘Puntland’ ee kajira gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ay labada dhinac ku saxiixeen Heshiis dhowr qodob ka kooban kaasi oo dan u ah dowladda Xabashida Itoobiya.

Maamulka Puntland waxaa metelayay Cabdi Wali Gaas oo ah hoggaamiyaha maamulka halka Itoobiya uu heshiiska usaxiixay Haillameram oo ah R/wasaaraha wadanka.

Heshiiska qodobada udub dhaxaadka u ah waa ladagaallanka Xarakada Al Shabaab oo ah  Koox Argagaxiso iyo adkeynta amniga labada dhinac, sidoo kale warka kasoo baxay Itoobiya ayaa lagu yiri “labada dhinac waxay ku heshiiyeen iskaashiga ladagaallanka Argagaxisada, isweydaarsiga ganacsiga,adkeynta xuduudda labada dal wadaagaan iyo dhaxgalka labada shacab”!.

Cabdi Wali Gaas oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in socdaalkii uu ku tagay Addis Ababa uu ahaa mid guuleystay, heshiiskan uu maamulka ‘Puntland’ lasoo galay dowladda Itoobiya ayaa khilaafsan qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ku dhaxmaray Muqdisho oo dhigayay in dowladda dhexe ay leedahay wada xaajoodka siyaasadda arrimaha dibadda.

Itoobiya ayaa awood siyaasadeed iyo melleteri ku leh dalka Soomaaliya kadib markii ay ciidamadeedu qabsadeen dhowr magaalo oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka islamarkaana ay dhisatay maamul goboleedyo iyada uceynsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this