Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo xog ka bixisay xasuuqii Shabaab loogu geystay Gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqayn dhinaca cirka ah oo shalay subax ka dhacday duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee loo yaqaan ”AFRICOM, oo ka hadlaayay duqeynta ayaa sheegay in duqayntaasi ay ka dhacday deegaanka Buurcadde.

Duqeynta ayaa lala eegtay Saldhig ay maleeshiyaadka ku leeyihiin deegaankaas, kaa oo lagu dilay 100 ka mid ah maleeshiyaadka al-Shabaab.

Dowlada Somalia oo ka hadashay duqeynta ayaa dhankeeda ka sheegtay in lala beegsaday shaqsiyaad muhiim u ahaa al-Shabaab, sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Xukuumada Somalia.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ka qeybqaaten ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxa uuna xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad boqol dagaalyahano oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab.

”Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada al-Shabaab, duqeyntu waxa ay u dhacday sidii loogu tallo galay waxaana lagu dilay ilaa 100 maleeshiyo” ayuu yiri Wasiirka.

Waxa uu sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay sii wadi doonto dagaalka cirka ah oo ay kula jirto al-Shabaab, si buu yiri loo yareeyo tirada maleeshiyaadka qaswadayaasha ah.

Waxa uu intaa raaciyay inay jiraan goobo kale oo ay ahmiyad u arkaan dowlada iyo saaxiibada caalamka kuwaa oo ay ku dhuntaan maleeshiyaadka balse ay soo afjari doonaan haddii ay soo baxaan fursado kale.

Dhinaca kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa khasaarooyin is xigxiga la kulmaayay tan iyo markii ay xasuuq ka geysteen Isgooyska Zoobe oo ay ku dileen in ku dhow 400 oo shacab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this