Sign in to follow this  
Deeq A.

Prof. Gaandi oo ka hadlay isirka Soomaalida, bilowga abtiriska iyo sida beelahu ku sameysmaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa magaalada Muqdisho xalay lagu qabtay madal looga hadlayey Isirka Soomaalida, xarunta dhaqanka ee Ifiye oo soo qabanqaabisay kulankan, waxaa marti ku ahaa Prof. Maxamed Gaandi  oo ah qoraa taariikhda iyo Isirka Soomaaliyeed. Gaandi sidoo kale waa siyaasi horay u soo noqday wasiirka gashaandhigga(2009-2010), hadda waxaa uu  ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

Prof. Maxamed Gaandi, waxaa uu madasha uga hadlay bilowga taariikhda Soomaaliya, Isirka Soomaalida, abtirka Iyo beelaha hadda Jira, waxyaabaha ay ka siman yihiin Soomaalida, Isticmaarka iyo Soomaaliya.

Bilowga Taariikhda Soomaaliya:

Prof. Maxamed Gaandi, Taariikhda Soomaalida waxaa uu ka soo bilaabay xilligii faraacinada gaar ahaan boqoraddii Xatshepshut, oo aheyd boqoradii 5aad ee Faraaciinta, taas oo xiriir soke la laheyd dhulka Soomaalida, Faraaciinta waxaa ay halkan ka qaadan jireen fooxa iyo waxyaabaha udgoon.

Waxaa kale oo Soomaalida xiriir la laheyd dalka Giriigga, magacyo badan oo loo aqoon jiray Soomaaliya waxaa ka mid ahaa: Punt, Zinji iyo Azaaniya.

Asal-ka Magaca Soomaal waxaa uu ku sheegay in 3 meel:

  1. Erayga carbeed ee (duu-maal) oo micnaheeda yahay mid maal leh oo ka yimid sida uu sheegay Yemen, iyaga oo-Yemen-aan ku dhawaaqi karin”D” ayey yiraahdeen Zuumaal halka Soomaalida oo aan Z laheyn u badaleen Soomaal.
  2. So-Maal oo hilib ah, waa micno kale.
  3. Erayga marti-gelinta ka tarjumaayo ee xoolaha Soomaal.

Prof. Maxamed Gaandi , Waxaa kale uu soo qaatay in qarniga 16aad markii ugu horeysay qoraallada Xabashida lagu arkey in beelo uu jabiyay boqorkii Itoobiyaan-ka ahaa uu ku yiri “Soomaaliya u sheeg”, taas oo muujineysa in xilligaasi ay Soomaalida diriri-jireen, gaar ahaan loolanka Xabashida iyo Soomaaliya.

Asalka Soomaalida  waxaa uu ku soo koobay 3 aragti:

(1): Carab: Prof. Maxamed Gaandi , waxaa uu sheegay in ay jirto aragti xoogan oo leh Soomaaliya waa carab, oo muujineysa in dhulkan markii hore ay Bantu deganayeen, oo Oromo in ay timid xoogtay, una soo riixday dhanka Koonfurta, Kadibna Soomaalida Jasiiradda carabta ka yimaadeen oo iyagana Oromada dhulka ka xoogeen, sidaana ay u dageen…Soomaalidana markii ay isticmaarka yimaadeen oo la doonayey in la qoro isirkooda,  si diinta Islaamka u badbaadiyaan ayey abitirka geliyeen carab.

(2): Aragtiga Shalotrenz ee Isirka:

  1. Xaam ama Xaamiyiinta
  2. Yaafith ama Yaafisiinta
  3. Saam ama Saamiyiinta

Aragtiyadaasi waxaa ay Soomaalida gelinayaan  bahda Cushitic, oo ah in Soomaalida ka soo jeedaan dad ku noolaa dhulka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya, dadkaasi  oo xitaa Faraacinada ka adkaaday 800 oo sano ka hor dhalashada Nabi Ciise.

Cushitic: waxaa umad ama bulsho jirta  7 kun oo sano, oo ka kooban 40 jinsiyadood oo dega bariga Afrika, waxaa ay dhammaan isaga mid yihiin luqadda  xagga naxwaha iyo dhaqanka.

(3):  Aragti kale, oo dhigeysa in Soomaalida yihiin Afirikaan rasmi ah oo aan biyo is-marin.

Abtirka Iyo Beelaha Hadda Jira:

Prof. Maxamed  Gaandi Qabiillada Iyo Abtirka Hadda Jira mar uu ka hadlayey waxaa uu meesha ka saaray abtirka iyo beelaha in ay weligood sidaasi ahaayeen, waxaa uu qabaa in intii isku dan iyo nidaam ah ay magac iskala baxeen, sidaana ay ku yimaadeen magacyadan aan naqaanno, waxaa kale uu ku doodayaa in beesha 5aad ama .5-ka lagu sameeyay shirka Carte 2000 ay beel la yaqaano oo lagu abtirsado  isku badali-doono 50 sano kadib.

Waxyaabaha uu qabiilka ku wanaagsan yahay waxaa uu ku sheegay iskaashiga, dhiigga oo la isla bixiyo, xoolaha oo la isla raaco iyo wanaagga oo la iskugu gargaaro, isaga oo intaasi ku daray in ay beesha sii jiri-doonto illaa laga helo nidaam dowladnimo oo adag.

Waxyaabaha ay ka siman yihiin Soomaalida.

(1): Deegaanka: Soomaalida waa bulsho deegaan ahaan isku mid, oo hal meel oo geeska Afrika ah ku nool, 4 dal ayey degaan sida Jamhuuriadda federaalka ah ee Soomaaliya, Djibouti, Kenya iyo Itoobiya.

(2): Afka: Waxaa uu sheegay in uu qeyb ka yahay Cushitic, Teeda kale Cushitic waxaa umad ama bulsho jirta  7 kun oo sano, oo ka kooban 40 jinsiyadood oo dega bariga Afrika, waxaa ay dhammaan isaga mid yihiin luqadda  xagga naxwaha iyo dhaqanka.

(3): Xigto: Soomaalida waa dad xigto ay ka dhaxeyso.

(4): Silsiladda Tolka: Soomaalida waxaa ay leeyihiin silsilad ka soo bilaabatad Qoys, reer, jilib, laf, qolo illaa tol oo isku tollan.

(5): Dhismaha Aqalka: Waxaa uu sheegay in weli reer miyiga heystaan dhaqan ah in aqalka ay dhismahiisa iyo qalabeyntiisa iska kaashaadaan reerka wiil iyo gabadha isku guursanaya.

(6): Marxaladaha Da’ada: waxaa kale uu sheegay in caruurta yar, wiilka gaashaan-ka iyo gabdha gashaantiga ah, garmadow illaa Duq ay dhammaan qaab cumri ah u sameeyaan marxaladaha ragga iyo haweenka.

(7): Beel: Waxaa ay ka simman yihiin sida uu sheegay beelaha oo beel weliba leedahay rag lagu tashto dhanka xoogga, deegaan ay leedahay, magta iyo qaaraanka oo la isla bixiyo, magaca, xoolo iyo summad iyaga beel ahaan u gaar ah.

(8): Qeybaha Bulshada: Waxaa uu soo qaatay in qeybaha bulshadii hore loo kala saaro waranle, waable iyo wadaad, waxaa uu intaasi ku daray in ay jiraan dad ku nool webiyada, magaalooyinka iyo jasiiradaha.

(9): Xeerka: Soomaalida waxaa ay wadaagto waxaa ka mid ah xeerka, sida dhiig iyo dhaqan, waxaa qeybtan ka mid ah waxyaabaha Moodka(dhulalka, guraya….) iyo Nool oo xoolaha iyo waxa nool.

(10): Dowladda: Waxa ugu casri-san ee Soomaalida wadaagaan waxaa uu ku sheegay calanka iyo dastuurka.

Isticmaarka Reer Galbeedka iyo Soomaaliya:

Prof. Maxamed Gaandi, ugu dambeyntii waxaa uu soo qaatay in Isticmaarkii reer Yurub ay wax badan ka badaleen bulshada balse Soomaalida aaney is-dhiibin sida:

  • Sharaf-beelka Odoyaasha: Isticmaarka waxaa  ay odoyaasha siin-jireen Sado si dadka ugu marti-qaadaan markii dambana mushaar ayaa loo qoray, taasi oo meesha ka saartay sharaftii iyo karaamadii ay bulshada ku dhex lahaayeem
  • Diin Jaceylka: Isticmaarka waxaa uu sii xoojiyay jaceylka ay Soomaalida u qabaan diinta Islaamka, waxaa ay badiyeen dhismaha madaarista qur’aanka, waxaa caruurta u diideen Iskuullada isticmaarka, waxaa kale oo caruurta loo bixiyay magacyo carab ah, isaga oo ku dooday in 3 ama 4 jiil aan la dhaafin karin magacyada Soomaaliyeed ee carabta, taasina la isaga celiyay oo keliya isticmaarka.
  • Isirka Carabta: Isticmaarka waa dadkii ugu horeeyay ee raadiyey ama qoray isirka Soomaalida, dadkii ay la hadleen, waxaa ay abtirka geliyeen Carab si ay uga fogaadaan Afrikaan iyo meelo kale.
  • Dhaqanka Oo Laga Fogaaday: Isticmaarka waxaa uu qaabab kala duwan ula dhaqmay Soomaalida, Koonfurta oo Talyaani ahaa iyo Waqooyiga oo Ingiriis gumeysan jiray waxbarashada iyo wax badan ayey ku kala duwanaayeen, tiiyoo markii dambe keentay in dalka uu soo galo hanti-wadaag oo meesha ka baxo marjicii umadda Soomaaliyeed iyo dhaqankii suubanaa.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this