Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Al-shabab oo soo bandhigay Askar ay sheegeen in ay ka goosteen Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabab ayaa soo bandhigay 3 Askari oo ay sheegeen in ay ka goosteen Maamulka Jubaland ee Koofurta Soomaaliya.

Saddexda Askari ayaa lagu soo bandhigay Magaalada Jilib oo ay maamulaan Xarakada Al-shabaab,waxaana Maxkamadda Al-shabaab ee Jilib sheegtay in Raggan ay soo goosteen u sheegeen in ay ku biireen Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegtay in Askarta dowladda ka goosta iyaga iyo hubkooda ay hubka lacag ugu beddeli doonaan islamarkaana degaannada Al-shabaab ka taliyaan ku noolaan karaan.

Ciidankan ayey Al-shabaab sheegeen in ay ka soo goosteen Saldhigga Buulo Guduud ee Ciidamada Jubaland kaas oo dhawaan weerar ka dhacay Al-shabaab ay sheegteen in ay ku dileen Askar badan oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubaland.

Askarta la soo bandhigay oo la hadlay Idaacada Andalus ee afka Shabaab ku hadasha ayaa waxa ay sheegeen inay u dulqaadan waayeen dhibaatooyin kala duwan oo ay sheegeen inay ku haysatay Buulo gaduud.

Image7.jpg?resize=696%2C522Image6.jpg?resize=696%2C522Image4.jpg?resize=696%2C522Image3.jpg?resize=696%2C522Image2.jpg?resize=696%2C522

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this