Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoteelada Muqdisho oo ay albaabadooda is garaacayaan & Waddooyinka xaafadaha oo kala xiran!

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdishdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ka taagneyd cabsi dhanka amaanka ah oo saameyn xoogan ku yeeshay degnaanshiyaha Hoteelada waaweyn ee magaalada.

Cabsida ugu badan ayaa timid kadib markii maleeshiyaadka al-Shabaab ay fariimo goodin ah u direen dhowr Hoteel oo ku yaalla Muqdisho weerarkii Nasa-Hablood Two kadib.

Cabsida jirta ayaa sabab u noqotay in mas’uuliyiinta qaar ay isaga guuran Hoteelada, xili maleeshiyaadka al-Shabaab ay horay xasuuq uga geysteen Hoteelo dhowr ah.

Hoteelada qaar ayaa lasoo sheegayaa in kalabar qololkooda ay yihiin kuwo xiran, halka qaarna ay u xirmeen kiro la’aan, waxaana xusid mudan in hoos dhac uu ku imaaday tirada Hoteelada.

Mas’uuliyiinta cabsida uga guuray Hoteelada ayaa sidoo kale degay Xaafadaha qaar kuwaa oo jaray waddooyinka hormara guryahooda sababo la xiriira cabsi.

Waddooyinka xiran ayaa u badan kuwa ku dhow dhow laamiyada, gaar ahaan wadada Makka Al-Mukarama oo ah halka qura ay dagan yihiin madaxda dowlada.

Dowlada Somalia ayaa dhawaan sheegtay inay qaadeyso duulaan ka dhan ah Al-shabaab kaa oo lagu burburinaayo Saldhigyada maleeshiyada ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhinaca kale, goodinta dowlada ayaa u muuqaneysa in maleeshiyada al-Shabaab ay ka qaaday dhiirigalin maadaama ay laba jibaaren weeraradii lagu qaadi jiray Xarumaha dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this