Sign in to follow this  
Deeq A.

Muran Ka Jiro Magacaabista Wasiirada Cusub Ee Maamulka Hirshabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, muran ayaa ka jiro soo magacaabista wasiirada cusub ee maamulka Hirshabelle.

Xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi qaarkood ayaa waxay doonayaan iney iska dhex arkaan liiska wasiirada, halka madaxweyne Waare uu doonayo in wasiiradiisa ka madax banaanaadaan baarlamaanka.

Madaxweyne ku xigenka Hirshabelle ayaa isna la sheegayaa inuusan ku aragti ahayn madaxweynaha, iyadoo guud ahaan Jowhar laga dareemayo arrintan.

Waxaa jira kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabelle iyo sidoo kale siyaasiyiin ku sugan Jowhar.

Lama oga sidey wax ku dambeyn doonaan, hase ahaatee madaxweyne Waare ayaa raba inuu wasiiro ka dhigo shaqsiyaad u badan Qurbe-joog iyo sidoo kale rag aan xil ka hayn maamulka Hirshabelle.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this